Nin Hubeysnaa oo Saacadihii Aynu Soo Dhaafnay Dilal Ka Geystay Muqisho+Dhageyso

0

Laamaha amaanka Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa wali baadi goob ku haya nin Maskaxda loogaga jiro oo qeybo kamid ah Degmada Dharkiynley ku dilay  Haween Soomaaliyeed.

Ninkaan maskaxda ka xanuunsaya ayaa taariikhdiisa hore lagu sheegay inuu ku shaqeysan jiray gaari gacan markii danbana uu kamid ahaa dadka xalaqaadka masaajida ku taxan ama daruusta ka raacda.

Inta la xaqiijiyay dadka uu waxyeelay ninkaasi ayaa gaaraya ilaa afar qof, oo laba dhimasha ay yihiin labada kale ee soo hartayna ay yihiin dhaawac culus.

Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Dharkinley ayaa faah faahin ka bixiyay ninkaan la sheegay inuu xaga dhimirka ka xanuunsanayo ee falka geystay.

Waxa uu sheegay in laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ay ku wargaliyeen ninkaan inuu Qatar weyn ku yahay ganacsatada iyo dadka dukaameysiga suuqa u yimaada, madaama tiro haween uu horay suuqa gudahiisa ugu dilay, markuu dilka geystana uu ka baxsanayay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here