Taliye ku-xigeenka Ciidamadda Daraawiishta maamulka Jubaland Iimaan Axmed Bashiir ayaa faafaahiyay dagaal qaraar ay Isniintii kula galeen Al-shabaab deegaanka baarsanguuni ee duleedka magaaladda Kismaayo ee Gobolka jubadda Hoose.
Taliyaha ayaa sheegay in dhankooda dagaalka loogu dilay 7 askari midkalana looga dhaawacay,wuxuuna borobogaando iyo dacaayad raqiis ah ku sheegay in maxaabiis looga qabtay dagaalkii shalay,islamarkaana lagu soo bandhigay Degmadda jamaame.
Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii Saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamadda Dowladda iyo Jubba-land ee Baar-sanguuni ee Duleedka magaalada Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ku qaadeen degaanka Baarsanguuni oo ay fariisimo u ah Ciidamada dowladda ,balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi,laguna dilay 87 ka Tirsanaa Shabaab.
Al-Shabaab waxa ay dhankooda ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 27 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

