Banaanbax ay dhigayaan Wadayaasha Mooto Bajaajka ayaa haatan ka socda Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Isu socodka Wadadda ayaa xirmay waxaana banaan-baxa ka qeyb qaadanaya dhamaan Darawaladda Mooto Bajaajka oo ka cabanaya xirnaanshaha Wadooyinka.
Qaar kamid ah wadaayaasha ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya aysan fulin amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka.
Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaya in ay wadayaasha kala eryaan,waxaana la maqlayaa rasaas.



