Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka teed ee duleedka degmada xudur ee g/bakool ayaa ku waramaya in hada degaankaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamada maamulka koofur galbeed Soomaaliya dagaalamayaa ka tirsan al-shabaab oo weerar toos ah ku qaaday saldhig ciidanka maamulka koofur galbeed Soomaaliya ay ku leeyhiiin degaankaasi.
Weerarka ayaa bilawday abaare 12:00 duhurnimo oo la’a 10 daqiiqo, waxaana dagaal kooban kadib lagu soo waramaya in al-shabaab ay u suurtagashay inay gabi ahaan la wareegen gacanta ku haynta deegaanka teed iyo saldhigii ciidamada k/galbeed soomaaliya ay ku leeyihiin.
Ciidamada ka tirsan maamulka k/galbeed Soomaaliya oo ka ambabaxay dagmada Xudur si gar-gaar ay ugu fidiyaan ciidamada halkaasi lagu soo weeraray ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada halkaasi ay gaareen dagaalna uu hada sii xoogeystay sida Simba uu u sheegay guddomiye ku xigeenka Xudur Aadan.
Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an taasi oo aan suura-galineenin in la helo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka al-shabaab iyo ciidamada k/galbeed ku dhex-maray duleedka dagmada xudur .
Deegaanka Teed ee ay maanta al-shabaab weerarka ku qabsadeen ayaa ku yaalla wadada u dhaxaysa magaalooyinka Xudur iyo Ceel barde, waxaana uu 30 KM dhanka waqooyi kaga beeganyahay Xudur.

