Xildhibaan Sheegay in Weerarada Al-shabaab aan Lagu Baajin Karin Wado La Xiro+Dhageyso

0

Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in weeraradda Xarakadda Al-shabaab ay fuliyaan in lagu baajin Karin wado la xiro.

Waxa uu sheegay in  aan la aqbali Karin in dhamaan wadooyinka magaaladda Muqdsiho la xiro,islamarkaana la caburiyo shacabka ku nool magaaladda.

“Culeys weyn ayaa jira, nolosha isku socodka ayay ku xiran tahay, waa la aqbali karaa in la xiro wadooyin gaar ah, balse wax la aqbali karo ma ahan in la xiro dhamaan wadooyinka”,ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Inkastoo haatan ay furan yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, hadana shacabka Magaaladda ayaa inta badan cabasho ka muujiya xirnaanshaha wadooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here