Rex Dundun oo ah Taliyaha ciidamada Policeka amisom ayaa sheegay in tababar sare loogu qaadayo ciidamada policeka ee midowga Africa ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta soomaaliya ay usoo xireen tababar xooga lagu saarayay heerka dhanka cilmiga iyo xaquuqda aadanaha iyo sidookale jinsiga ay usoo gabagabeeyeen kudhawaad 26 saraakiil Police ah oo laga soo xulay dalalka ay ciidamada kajoogaan soomaaliya sida Uganda, Kenya, Ghana, Nigeria, Sierra Leone iyo Zambia.
Taliyaha oo sii hadlayay ayaa carabaabay in tababbarkan uu soconayay muddo isla markaana saraakiishan katirsan ciidamada policeka amisom dhawaan ay gaari doonaan soomaaliya si ay ucaawiyaan dumarka iyo caruurta iyo nolosha dadka rayidka ah gaar ahaan kuwa kunool xeryaha qaxootiga ee guud ahaan dalka.
Saraakiishan kamid noqon doona ciidamada police ka ee amisom ayaa mudo lix maalin ah waxaa tababar siinayay saraakiil kakala socda dalalka ay ciidamada soomaaliya kajoogaan iyadoona lasheegay in dhanka aqoonta iyo ladhaqanka bulshada kunool soomaaliya ay si wanagsan ula tacaamuli doonaan
Jaase Nkundanyirazo oo ah sarkaal sare ee kahortagta tagoorka iyo xad gudubka dumarka katirsan amisom taa oo qeyb ka aheyd dadka usoo xirayay tababarkaasi loo soo gaba gabeeyay ciidamada police ee qeybta kanoqon doona howlgalka ciidamada nabad ilalinta ujooga soomaaliya
Ugu dambeyn taliyaha ciidamada policeka amisom oo la dardaarmay ciidankasi loosoo xiray tababarkaasi ayaa sheegay in ay si wanagsan iskula shaqeeyaan ciidankaasi isla markaana ay lawadaagan tababarkii ay soo qateen uguna faa’iideeyaaan askarta kale ee katirsan ciidamada amisom ee kusugan gudaha dalka soomaaliya

