Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Punland oo lahadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland oo ka socda deegaanka Tukuraq ee Gobolka Sool.
Xildhibaan burhaan oo xilliga uu waraysiga siinayay Simba ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay inay ciidanku guulo la taaban karo ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen ciidamada Soomaaliland ayna diyaar u yihiin inay dalka u dhintaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxda iyo saraakiisha ciidanka labada Maamul ee puntland iyo Soomaaliland ayaa tan iyo markii ay Tukraq daagaladu ka qarxeen waxay hawada isu marinayeen warar xanaf leh oo xaalada dagaal sii abuuri karta
Madaxweynaha Somali-land Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay Munaasabadd lagu xusayay 18-may ayaa mar kale ka hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Waxa uu sheegay in aysan duulaan ku aheyn Puntland iyo Garoowe,islamarkaana ay rajeynayaan in wada-hadal lagu dhameeyo arinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

