Taliyaha ciidamada midowga Africa ee amisom Mr Omwega ayaa sheegay in cidamadda amisom ay ka walaacsan yihiin diyaar sanaanta ciidamada dowlada federaalka soomaaliya madaama waqtigaan ciidan dhameystiran aysan heysan dowlada soomaaliya islamarkaana si buuxda u maamulo amniga dalka ayuu yiri taliyaha ciidamada midowga africa e amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya.
Ciidamadda midowga Africa ee amisom ayaa hoos udhac lagu sameeyay sanadii aynu kasoo gudubnay iyadoo tirade ladhimay ay udhaxeeso 22,000 ilaa 21,000 halkaa oo lagu sheegay in ciidankaas uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay ee ahaa joogi taanka soomaaliya iyadoona dhinaca kale la sheegay in qaramada modoobey ayka gaabisay qarashaadkii lasiin jiray ciidamada midowga Africa ee amisom.
“Mudo toban sano kabadan ayey ciidamada amisom kusugan yihiin guud ahaan soomaaliya iyagoo dib usoo celiyay deegano farabadan oo hoos yimaada dalka kuwaa oo kaashanaya kuwa dowlada balse qaramada midoobay ay dooneyso in ciidamada soomaaliya ay lawareegaan awooda dalka sanadaha soo aadan balse aanu muuqan diyaar sanaan ciidankaasi waa sida uu sheegay Omwega oo ah taliyaha ciidanka midowga Africa ee amisom
Ciidamada dowlada soomaaliya waqtigan waa ay heystaan tababar kufilan balse majirto diyaarin kusaabsan ciidankaasi kuwaa oo kahor imaan kara caqabadaha hortaagan ciidamada dowlada soomaliya sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga africa ee amisom Brig Paul.
Bishii octobar ee sanadkaan ku dhawaad 1,000 askari oo qeyb ka ah ciidamada amisom ayaa isaga baxay dalka kuwaa oo dib loogu celiyay dalalkii ay kayimaadeen kol hore.
Sanadii 2007dii ayey aheyd markii ciidamo kasocda dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Ethiopia, iyo djbouti ay ciidamo usoo direen soomaaliya si ay uxasiliyaan dhibaatooyinka kataagan dalka Soomaaliya.

