Maanta oo Sabti ah waxaa tababar socday Muddo 3-bilood loosoo xirey boqol oo askari oo ka mid ah Ciidanka Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka.
Munaasaabadda Tababarka lagu soo xirayay waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xugeenka Gaashaandhigga Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD),sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda, Taliyaha ciidanka Badda, saraakiil ka socda xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.
Ugu horeyntii Taliyaha Ururka lixdanaad ee Madaxtooyadda Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay ciidankan inay qaateen tababaro kala duwan oo ay ugu horayso la dhaqanka shacbiga iyo masuuliyiinta imaanaya madaxtooyadda iyo kor u qaadista howlgalada ay ku jiraan oo ay kow ka tahay ilaalinta wadooyinka soo gala madaxtooyada.
Dhanka kale Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Aamina Siciid Cali oo ka mid ahayd masuuliyiintii hadlay ayaa sheegtay iney aad ula dhacsan tahay sida wanaagsan oo ay ciidankan ula dhaqmaan dadka maraya wadooyinka madaxtooyada gala, waxayna intaa ku dartay in Askariga yaqaana habka dadka loola dhaqmo ay suurta galin karto in kalsoonida shacabka ku qabaan ciidankooda ay kor usii qaado.
Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame (GOROD) ayaa sheegay marka hore in ciidanka ilaalada Madaxtooyada ay ka duwan yihiin dhammaan ciidanka xoogga dalka, sababtuna tahay iney ka howl galaan xarunta ugu weyn ee dalka laga maamulo iskuguna yimaadaan madaxda oo idil, wuxuu sheegay in tababarka ay qaataan wax badan ay ka badaleen shaqooyinkooda.












