Quburo katirsan Hay’adda Qaramada midoobay ayaa waxa ay cod dheer ku qeexeen in lasoo afjaro askareynta caruurta dalalka kuyaalla geeska Africa gaar ahaan soomaaliya.
Qaramada midoobey ayaa sidoo kale cambaareysay in xarakada alshabaab ay askareyso caruurta kunool dalka soomaaliya iyo sidoo kale dalka Kenya si ay dowlada soomaaliya kaga guuleystaan.
Mukirya Nyanduga oo kamid ah quburo madaxbanaan isla markaana ka howlgala hay’ad udooda xuquuqda bani aadamka ayaa carabaabay in xarakada alshabaab ay askareyso caruur aan wali qaan gaarin halka dowlada soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay askareysay caruur fara badan waa sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay qaramada midoobey
Nyanduga ayaa sidoo kale sheegay afduubka ay xarakada alshabaab ugeysanayaan caruurta si ay ugu adeegsadaan dowlada soomaaliya ay sare usii kacday dhawaanahan balse muhiimadu ay tahay in xukuumada soomaaliya ay wax badan kaqabto dhibaatooyinkan lagu haayo caruurtaasi.
Quburadan ayaa waxaa ay baaq dheer udireen dowlada soomaaliya in xarumo lagu dhaqan celiyo loo sameeyo caruurta kunool guud ahaan soomaaliya si aysan ugu biirin alshabaab.
Bishii January ee aynu kasoo gudubnay ayey aheyd markii hay’ada udooda xuquuqda aadana ee Human Rights Waghts ayku eedeysay alshabaab in caruur fara badan ay kusameysay askaren balse dowlada loogu baahan yahay in wax badan ayka qabato dibaatooyinka kadhanka ah caruurta kunool guud ahaan dalka.
Laetitia Bader oo ah cilmi baare ka tirsan hay’ada human Rights Watch ayaa sheegaty in xarakada alshabaab inta badan caruurta kunool baadiyaha ay utagaan waalidiinta dhalay caruurtaasi kuwaa oo weydiista boqolaal caruurtaasi kamid ah si ay ugu barbar dagaalamaan ururkaasi iyadoona caruurtaasi ay isaga tagaan schooladii ay wax kabaran jireen oo qoysaskii ayka soojeedeen

