Waxaa maanta Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Kulan ay ku yeesheen Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta rasmiga Maamulka Goboleedka Gal-mudug Loogu qeybiyay Dastuur Cusub oo Kii Hore Ka duwan Kaasi oo Lagu qeexay tirada Baarlamanka Maamulka Gal-mudug oo Dastuurkii hore uusan ogolaanee tirada hada Lagu daray Ee Xildhibaanadii Hore ee Ahlu-sunn Waxaana Kolka ay Soo akhriyaan Lagu Wado in kadib Cod loo Qaado Hadii La Ansixinayo iyo Hadii kale.
Dastuurka Baarlamanka La horkeenay ayaa Waxaa Kukala Qeybasamay Xildhibaanada Maamulka Gal-mudug.
Tiro Xildhibaano ah ayaa maanta Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Cadaado Waxaa ay Sharci-Darro Ku tilmaameen Dastuurka Gal-mudug Wax-Kabadalka Lagu Sameeyay waxaana Ay tahay Sharci-darro islamarkaasi Dastuurka Lagu xad-gudbayo.
Xildhibaanada Shirka-jaraa’idka ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa waxaa kamid ah Xildhibaanada Abuukar Warsame Cali Wareysi Gaar ah oo uu siiyey idaacada Simba Ee Magalada Moqdisho ayaa Waxaa tibaaxay in ka xildhibaan ahaan aysan Ka war-qabin Wax-ka badalka Lagu Sameeyay Dastuurka Maamul-Goboleedka Gal-mudug.
Ma cada halka ay Saldhigan-Doono Khilaafkan Kasoo shaac-baxay Baarlamanka Gal-mudug kaasi oo salka Ku Hayo Arimo la xiriiro Dastuurla Maamulka Oo Wax-Kabadal Lagu sameeyay.

