Xarakadda Al-shabaab oo Kaalin Koowaad Ka Gashay Ururadda Ugu Weerarka Badan

0

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in Xarakada alshabab kaalinta koowaad ay ka gashay ururada kadagaalama guud ahaan qaarada Africa kuwaa oo weeraro waaweyn ka geysta soomaaliya iyo wadamada  dariska la ah.

Bayaan kasoo baxay waxda difaaca dalka marekanka ayaa lagu sheegay in Shabaab 12-kii bilood ee lasoo dhaafay ay sare uqaadeen weerarada iyo dilalka ay ka geesanayaan dalka soomaaliya iyo Kenya iyadoona sidoo kale ay dileen 4,834 qofood intii lagu guda jiray bilahaas ee dhamaadkii bishii march 31deedii sida ay sheegtay xarunta istaraatiijiyada ee qaarada Africa ee laga leeyahay magaalada Washington ee dalkaasi mareykanka

Kudhawaad 3,000 oo weerar ayaa lagu soo waramayaa in ay ka geeysteen geeska Africa 12kii bilood ee lasoo dhaafay iyagoona sare usii qaaday 38 boqolkiiba weerarada iyo qaraxyada ay ka geesanayaan geeska Africa gaar ahaan dalalka Kenya iyo soomaaliya

Alshabab waxaa ay awood buuxa u leeyihiin in ay weeraro kageestaan geeska Africa maadama ay isku heystaan dhaqaale iyo dagaal yahano daacad u ah ururkaasi inkastoo madaxweynaha dalka marekanka Donald trump uu bilaabay sanadii 2017dii weerarada dhanka cirka ah ay diyaaradihiisa drone ka ah oo aan cidi wadin ay la bartil maameed sadaan xarumaha ayku suagan yihiin xubno muhiim u ah dagaal yahanada xarakada lashabaab.

Xarakada alshabab ayaa qaaday 5 weerar maalin kali ah sanadii aynu kasoo gudubnay kuwaa oo badi weeraradaasi laga fuliyay goobo muhiim ah oo kuyaalla magaalada muqdisho iyadoona 1,749 facilo rabshada ah ay ka dhaceen guud ahaan soomaaliya.

Ciidamada midowga Africa ee amisom kuwaa oo sanadii 2007 lookeenay soomaaliya in ay nabad kusoo dabaalaan iyo ciidamada dowlada soomaaliya ayaa kuguul darestay in ay ka guuleeystaan xarakada alshabab kana hortagaan weerarada iyo qaraxyada ayka geesanayaan geeska Africa sida lagu sheegay war qoraal ah ay soosaartay xarunta stiraatiijiyada ee geeska Africa ee fadhigoodu yahay magaalada washinton ee dalkaasi marekanka.

Dalka Kenya iyo afar wadan oo kuyaalla qaarada Africa ayaa ciidamo fara badan waxaa ay ka joogaan soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah amisom ayaa noloshooda kuwaayay dagaalka ay kala soohor jeedaan xarakada alshabab tirada guud ee ciidamadii kuwaayay noloshoooda  soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay 10,535 arkari 12dii bilood ee lasoo dhaafay.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here