Jabuuti iyo Ethopia oo Soomaliya Ka Caawinaya Fatahaada uu Sameeyay Wabiga Shabeele

0

War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen dowladaha Ethopia Djibouti ayaa sheegay in ay doowlada soomaaliya ka caawin doonaan dadka fatahaaduhu ayku saameeyeen bartamaha soomaaliya qeybna ay ka noqon doonaan daad gurenta dadkaasi ay saameeyeen fatahaada uu sameeyay wabiga shabeele

Bayaan uu soo saaray taliyaha ciidamada midowga Africa ee amisom Mohamed barqad aden  gaar ahaan qeybta afaraad ciidanka kasocda dalka Ethopia ayaa sheegay iin ciidamada dalalka Ethopia iyo Djibouti, ay soo daad gureeyeen in ka badan 10,000 oo ruux kuwaa oo fatahaaduhu ayku saameeyeen magaalada baledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ee bartamaha soomaaliya

Dhanka kale bayaan ay soosaartay hay’ada qaramada midoobey ayaa waxaa ayku sheegtay in fatahaadaha uu sameeyey wabigaasi uu saameen weyn ugeestay  nus million qofood iyadoona dhanka kale ayku barakaceen boqolaal kamid ah dadkii kunoolaa deegaanadaasi

Dowlada federaalka ee soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in dadkaasi ay ubaahan yihiin gar gaar deg deg ah iyadoona ugu yaboohday  dadka kudhibaateesan baladweyne lacag dhan 1 million oo dolarka marekanka ah iaydoona dhanka kale ciidamada midowga Africa ee amisom nabad ilaalinta ujooga soomaaliya iyaguna qeyb ayka qaadanayaan gurmadka iyo samata bixinta dadka ku go’doonsan goobahaasi

Hay’ada qaramada midoobey uqaabilsan beeraha iyo cunada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan  (FAO)  ayaa carabaawday in fatahaadan uu sameeyay wabiga shabelle dhawaan aan horay loo’arag sidaan oo kale heerka biyahana uu aad usareeyay arintana ay saameyn xoog leh kukeeni doono dadka beeraleyda ahi ee kunool guud ahaan magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Dadka gudaha magaalada baladweyne kubara kacay waxaa ay ku sugan yihiin xero qaxooti taas oo wali biyuhu ay fadhiyaan waa sida uu sheegay Stephane Dujarric oo ah afahayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobey

Dhawaan ayey aheyd markii roobab xoogan ayka da’een qeybo badan oo katirsan soomaaliya iyadoona horay abaaro ayka jireen soomaaliya kuwaa oo saameeyay 6 million oo qofood oo ubaahnaa gar gaar deg deg ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here