Wararka ka Imaanaya Deegaanka Buula-Gaduud ee dhaca Duleedka Dagmada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa Ku waramaya in dagaalamayaal Ka tirsan Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaalo deegaankaas.
Dagaalka oo la isku Adeegsaday Hubka Nuucyadiisa Kala duwan ayaa Saacado Kooban waxa uu ka socday Gudaha Degaanka.
Dadka Degaanka ayaa idaacada Simba u sheegay in uu jiro Khasaaro ka dhashay Weerarka Al-shabaab aya ku Qaadeen Fariisimo Ciidmada Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin Degaankaasi.
Dadka Degaanka ayaa sidoo Kale Sheegay in ay arkeen dhimashada askari oo Ciimada Jubbaland1 iyo mid dhaawac ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ayaa tibaaxaya in xoogaga Al Shabaab weerarkooda uu ahaa mid safballaaran ah ku qaadeen saldhig Ciidamada maamulka jubba-land iyo ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka.

