Wafdi uu Hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif Ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Magaaladda Baladweyne kula kulmay qaar kamid ah dadka ay saameysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.



