Afhayeenka booliska Kenya “Charles Owino” ayaa sheegay in magaca hogaamiyihii shalay weerarka ku soo qaaday xero ciidan oo ku taalo deegaanka Fino ee magaaladda mandheera in uu ahaa “Jaamac Nuux Cabdulle” kaas oo uu sheegay in asaga iyo koox kale ay u baxsadeen soomaaliya kadib weerarkii Fino.
Sidoo kale afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadii Al-Shabaab ee shalay weerarka ku soo qaaday ay ka badnaayeen 100 dagaalamayaal, kuwaas oo weeraro lixaad leh kusoo qaaday xarumo ciidan sida xarunta booliska deegaanka mandheera.
Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas ayagoona intaasi sii raaciyay in ay weerarkaas ku dileen illaa iyo 12 askari.
Madaxda booliska Kenya ayaa sheegaya in dhankooda ay weerarkaas Al-Shabaab kaga dileen dhawr dagalaanyaanno ayagoona dhaawac u gaystay qaar kale.
Inta badan Al-shabaab ayaa weeraro lixaad leh ku qaadayay gudaha dalka Kenya tan iyo sanadkii 2011 markaas oo ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha gayiga soomaaliya, waqtigaas oo ay ka mid noqdeen ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika.

