Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka Sergei Lavrov oo u waramayay Jariirad ka soo baxday Dalka Itoobiya ayaa ka hadlay arrimaha howl-galada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya iyo baahiyaha loo qabo in la xoojiyo howlgaladaasi.
Sergei Lavrov ayaa Beesha caalamka ugu Baaqay in la qaado tilaabooyin lagu xoojinayo Ciidamadda Military-ga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,si ay uga miro dhaliyaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab iyo howlaha xasilinta Dalka.
Wuxuu sheegay in Ciidanka AMISOM ay wali taageero muhiim ah siiyan Ciidamadda Militry-ga Soomaaliya oo dagaal kula jira Al-shabaab.
“Marxaladda uu haatan maraya dalka Soomaaliya, Doorka Ruushku uu ku leeyahay ayaa ah in Beesha Caalamka ay sii kordhiso Taageeradda ay siinayaan Ciidamada AMISOMM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya,waa in xal laga gaaraa dhibaatooyinka kajira Gobolka,sida Arggagixisada,Burcad badeeda iyo faldambeyeedyada kale si uu gobolka horumar ugu talaabsado”. Ayuu Sergei Lavrov.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ruusha Sergei Lavrov oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in Ruushku uu taageerayo dadaallo kasta oo ku saabsan horumarka iyo xasilinta Qaaradda AFrika.

