Madaxda afrika oo shalay ka qayb galaysay shir ka dhacayay caasimada Kampala ee dalka Uganda ayaa ugu baaqay golaha amaanka Qaramada midoobe in aysan waxba ka dhimin ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee ka hawl gala soomaaliya.
Madaxa midowga afrika u qaabilsan nabadda iyo amaanka “Smail Chergui” ayaa sheegay in muhiim tahay in ciidamada nabad ilaalinta Amisom ay soomaaliya ka sii hawl galaan si ay u wiiqanto awooda xarakada Al-Shabaab oo ka dagaalanta qaybo farabadan oo soomaliya ka tirsan.
Mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee haysto ciidamada nabad ilalinta Amisom ayaa ayaa ah dhaqaalo xumo soo wajahday, ayadoona qorshahu ahaa in ciidamada Amisom ay dalka ka baxaan sanadkii aynu soo dhaafnay.
Madaxwaynaha jumhuuriyada faderalka soomaaliya “Maxamed Cabaduulahi Farmaajo” ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhisida ciidamada qaranka, asagoona intaasi sii raaciyay in dhisida ciidamadu ay u baahantahay waqti dheer.
Waxaan u baahannahay in si wadajir ah aan uga shaqayno ladagaalanka Al-shabaab, haddii ay beesha caalamka iyo midowga yurub ay si wadajir ah noogala shaqeeyaan daqlina nagu siiyaan howlgalada, waxaan awood u yeelan doonnaa in aan si fudud uga adkaano Al-Shabaab ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.
Bishii December ee sanadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ciidamada Amisom laga dhimay illaa kun askari, ayadoona qorshuhu ahaa in ciidamada midowga afrika boosaska y baney nayaan lagu badallo ku soomaaliya.

