Mid kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Dowladda imaaraadka carabta in ciidamadda ay ku tababarto muqdisho ay si qabiil ahaan ku qoroto.
Waxa uu sheegay in beelo la yaaqaano laga diiwaan galiyo xeryaha Dowladda Imaaraadka carabta ee ku yaala muqdisho,islamarkaana taasi ay dhabar jab ku tahay hormarka Soomaaliya.
“Imaaraadka carabta awalba waxaa lagu eedeynayay in dano gaar ah wato, waxaa cadeyn loo hayaa in qabiilo la yaqaano laga qoro xeryaha Dowladda Imaaraadka Carabta ee magaaladda Muqdisho,dad tagay ayaa jiro oo lagu dhahay waan idin soo wici doonaa, oo aan lasoo wicin”, ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Soomaliyeed oo magaciisa qariyay.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Magaaladda Muqdisho ku leh xeryo lagu Tababaro Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.

