Xarakadda Al-shaabab ayaa baahisay magaca mid kamid ahaa ragii fuliyay qaraxyadii iyo weerarkii Habeenkii jimco aheyd ka dhacay magaaladda muqdisho.
Cabdullaahi Sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo ku magac dheeraa (Cadiyatullaah) kanasoo jeedo beesha Mariixaan ee degto Gobolka Gedo ayay Al-shabaab sheegeen in uu ahaa Ninkii fuliyay weerarkii isqarxinta ee ka dhacay Hoteelka Doorabin ee kaabiga ku haya xarunta Nabad sugidda DF-ka ee Habar Khadiijo loo yaqaan.
Wareysi uu bixiyay ayuu ugu hadlay arrimo ay kamid yihiin sababta ku riixday in uu weerarka fuliyo isagoo farriimo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaliya.
Inta la xaqiijiyay 50-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyo iyo weerar ka dhacay habeenkii jimco aheyd Magaalada muqdisho,Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyaddda weeraradaas, waxayna sheegeene in ay weerareen Madaxtooyadda Soomaliya, iyo xarunta Nabadd Sugida Soomaliya.

