Xog hayaha guud ee” Qaramada Midoobay ” Antonio Guterres” ayaa ugu horeyn waxa uu cambaareeyay qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay caasimada Muqdisho 23’kii bishan.
Sida uu sheegayo afhayeenka xoghaya guud ee QM ” Antonio Guterres” waxa uu tacsi u diray dhamaan qoysaska dadkii ku wax yeeloobay dhacdadadaas, asagoona sidookale xoghayaha guud ee QM amaanay, sida ciidamada amaanka iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom ay uga fal celiyeen weeraradaas, sida uu sheegayo Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramad Midoobay.
Xog hayaha guud ee” Qaramada Midoobe ” Antonio Guterres” ayaa sheegay in Qaramad Midoobay ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso dowladda faderalka Somalia asagoona intaasi sii raaciyay in ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan dowladda soomaliya ladagaalanka Al-Shabaab.
Sadax maalin ka hor ayay ahayd markii labo qarax oo aad u waa wayn ay gilgileen caasimada Muqdisho qaraxyadaas oo ay ku dhinteen in ku dhaw 40 ruux.

