Faah-faahin:-Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay 10-qof  oo uu ku jiro Ex Xildhibaan Gaarane ayaa ku dhintay 15-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib  qarax gaari loo adeegsaday oo lagu weeraray Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Mgaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa la si weyn loogu maqlay inta badan Magaaladda Muqdisho,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas badan oo ka dhacaysay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaliya  ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi, labaad ee ka dhacay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Hotelka Naasahablood 2 waxaa uu ku dhow Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaanay Godka Jilacow, waxaa uu sidoo kale kaabiga ku hayaa Xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu yaalo Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Weerarka lagu qaaday Hotelkan ayaa ku soo beegmaya, xili 14-kii bishaan weerarka ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here