Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo galabta lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2 Degmada Xamar weyn ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Taliyihii Booliska degmada Dayniile ee Gobolka banaadir Maxamed Yuusuf Fanax oo horay u soo noqday Taliyaha Booliska degmada Yaaqshiid.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu dhuftay gawaari tiilay afafka hore ee Hoteelka Naasahablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.
Qarax kadib waxaa hoteelka Naasahablood 2 ee Magaaladda Muqdisho gudaha u galay dabley hubeysan oo ilaa haatan ka dagaalamaysa.
Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa, isla markaana ay weerareen Hotelka Naasahablood 2.
Dhanka qaraxa galabta ka dhacay Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho waxa uu saameyn xoogan uu ku yeeshay dhismayaasha caanka ah sida Maqaayadda Banoodda oo burbur xoogan uu soo gaaray.

