War Deg Deg:-Weerar Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Kooxo hubeysan oo watay gaari kuwa raaxadda ah ayaa gaari kale waxa ay ku rasaaseeyeen Waddada Via Roma ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa la sheegay in ay leedahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe kaas oo marayay degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay hal qof oo kalane wuu  ku dhaawacmay kadib markii Kooxda hubeysan ay rasaas ku furtay Gaariga, sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.

Laamaha amaanka degmada Xamar-weyne ayaa  xaqiijiyay in ay dhinteen Canab C/laahi Xaashi  oo ka tirsaneed Ururka Haweenka iyo Maxamed Jaamac  oo ahaa Wiilka Gudoomiyaha Ururka Batuulo Axmed Gaballe, ayna wadaan baaritaano ku aadan siduu weerarkaan u dhacay.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyada weerarka ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here