Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Galmudug ayaa soo saaray war murtiyeed ay ugu hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Warqada lasoo saaray malahan wax saxiix ah, hadana waxaa ka muuqda calaamadaha lagu yaqaan shanta maamul goboleed.
Inkastoo aysan kulmin Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda hadana waxaa la sheegay in ay kuligood taleefan kuwada hadleen, ayna isku raaceen in war wadajir kasoo saaraan xiisadaha siyaasadeed ee dalka.
Warqadda ayaa si qoto dheer loogu hadlayay xaaladda Siyaasadeed ee Maamul Goboleedka Galmudug,waxaana eedeen loo jeediyay Xildhibaanada qaar ee soo saaray go’aanka ay xilka ugu qaadeen Madaxweyne Xaaf.


