Akhriso:-Xildhibaano iyo Sanataro Goordhaweyd Gaaray Magaaladda Cadaado

0

Magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa goordhaweyd gaaray Xildhibaano iyo Senataro ka Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari ayaa ujeedka safarkooda yahay mid ay ku dhex dhexaadinayaan xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Mas’uuliyiinta Galmudug.

Xildhibaanadaan ayaa kulamo la qaadan doona madaxda maamulka Galmudug,sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka,iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir Ku xigeenka Madaxweyne Carbey, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo inta badan Xildhibaanada Baaralmaanka Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyey yeelanayey kulamo kala goono gooni ah oo lagu doonayo in miiska lasoo dhigo waxyaabaha la isku hayo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here