Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday howlgalka midowga Africa Soomaliya ee loo yaqaano AMISOM 19 kamid ah gawaarida dagaalka kuwaa oo loogu talagalay in kor loogu qaado awooda lagula dagaalamayo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Xaflada wareejinta gawaaridaan waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada mareykanka ee Soomaaliya ku sugan Brig. General Miguel A. Castellanos iyo taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya Brig. General Muhanga Kayanja.
Waxaa General Castellanos uu sheegay in dowlada mareykanka ay ka go’antahay kor u qaadista dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al shabaab waxaana uu tilmaamay in dowlada mareykanka ay sii wadi doonto deeqaha gawaarida lagu wareejinayo howlgalka AMISOM.
Dhanka kale taliyaha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlagalka nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyay deeqdaan ka soo gaartay dowladda mareykanka.
Waxaase uu sidoo kale sheegay in ay dhib ku qaabaan miinooyinka dhulka lagu aaso kuwaa oo qasaaro uu ka soo gaaro isagoo codsaday in si deg deg ah wax loogu qabto arintaaasi iyo kor u qaadista qalabka lagama maarmaanka u ah howlagalada ciidamada AMISOM.
Waxaa sidoo kale la socda gawaaridaan qalabkii lagu dayac tiri lahaa kuwaa oo dowlada mareykanka ay ku wareejisay howlgalka AMISOM.
By: Abdiaziz Hassan Ibrahim






