Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxa ay ku dileen deegaanka Qur’aan Googoo oo u dhexeeya Magaalooyinka Garbahaarey iyo Luuq ee Gobolka Gedo Nabaddoon Caan ka ah Gobolkaas.
Nabaddoon Xuseen Maxamuud Macalin oo ku Magac dheeraa (Xuseen Dhafoor) ayaa lagu toogtay deegaanka Qur’aan Googoo, wuxuuna kamid ahaa dadka sida weyn loogu yaqaanay deegaankaas.
Alle ha u naxariistee waxaa la sheegay in Nabaddoon-ka uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ee ka midka ah Labada aqal ee Dowladda Soomaaliya.
Dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay waxaa yaraaday dilalkii loo geysanay Ergooyinka soo doortay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka Sare.

