Madaxweyne Farmaajo oo u Amba-baxaya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu  hogaaminayo  ayaa lagu wadaa in uu u ambabaxo dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga ayaa aheyd mid todobaadkii la soo dhaafay la hadal hayay, inkastoo madaxtooyadda Soomaliya ay ka gaabsatay.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Madaxweynaha ee Sacuudiga oo ah tii 3aad uu ku tago, tan iyo markii la doortay ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo xaalado siyaasadeed oo aad u cakiran uu ka jiro Soomaaliya iyo Khaliij-kaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya gudaha dalka iyo Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xiriirka u jaray dalka Qatar.

Sidoo kale qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dhowaan ka hor-yimid go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, waxayna la safteen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here