Akhriso:-Galmudug oo Beenisay War Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada ee ku aadaneed in xiriirka ay  u jareen Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya.

Waxa uu sheegay in wararkaas ay baahiyeen dad kasoo horjeeda qaranimadda Soomaliya,islamarkaana  la doonayo in  la iska horkeeno madaxda Dowladda Soomaliya iyo Dowladd Goboleedka Galmudug.

“Asc waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug la socodsiinayaa in ay barabagaando iyo been abuur tahay warqadda baraha bulshada lagu faafinaayo taasoo ah in Galmudug ay xiriirka u jartay Dowladda Dhexe. Isla markaana lagu sii hurinaayo khilaafka ayadoo ujeeddo gaar ah laga leeyagay.

Fadlan haku qaldamin warqaddaan been abuurka ah ayaa lagu yiri war lagu daabacay Qeybta baraha bulshada Xafiiks Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here