Muwaadin u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Maalik Alim Jones oo 32 sano jir ah ayaa maxkamad ku taal dalka Maraykanka ka hor qirtey in uu ka mid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab uuna tababar Milatari ku qaatay gudaha dalka Soomaaliya.
Garsooraha Maxkamad ku taal Manhattan Paul Gardephe ayuu u sheegay Maalik in uu Al-shabaab ay siiyeen qoriga AK-47 si uu ugu dagaalamo.
Sidoo kale Maalik ayaa qiraalkiisa waxa uu ku oggolaaday in uusan wax racfaan ah ka qaadan xukunka lagu ridayo haddii konton sano uu ka yar yahay.
Jones oo ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Maryland kana soo jeeda Maraykanka madow ayaa usoo safray dalka Kenya sanadkii 2011-kii isagoo kadibna usoo gudbay dalka Soomaaliya halkaa oo ay tababar siiyeen Alshabaab.
Dhanka kale Mas’uuliyiin u hadashay Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in Maalik Jones uu muddo saddex bilood ah tababar ku saabsan aqrinta iyo tarjumida Quraanka iyo sida loogu dagaalamo AK-47 iyo weliba qoryaha gantaalada laga rido ay al-shabaab siiyeen.
Kadibna waxaa uu ka mid noqday dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab sida gaarka ah u tababaran ee Alshabaab ee loo yaqaan Jaysh Ayman.
Maalik Jones ayay ciidamada Soomaalida ka soo qabteen xeebta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose dhamaadkii sanadkii hore, isagoo doonayay inuu doon u raaco dalka Yemen waxana uu ka baxsanayay Al-shabaab.

