Heshiiskii Galmudug iyo Puntland oo Lagu Tilmaamay Heshiis Madadaalo.+Dhageyso

0

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa heshiiskii Maamulada Galmudug iyo puntland ay ku gaareen magaalada gaalkacyo waxa ay  ku tilmaameen heshiis madadaalo.

Nabadoon Aloore oo kamid ah Waxgaradka Gobolka mudug ee dhanka maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaas uusan wax tar u laheyn islamarkaana uu yahay mid madadaalo ah.

Waxa uu sheegay in Madaxda Maamulka Galmudug iyo Puntland ee heshiiska kuwada gaaray Magaladda gaalkacyo ee gobolka Mudug in aysan dhab ka aheyn nabadda iyo daganaaanshaha Magaaladdaas.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhawaan ku heshiiyay qodobada soo socda:-

 

1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.

2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.

3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.

4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.

5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.

6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.

 

7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.

8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.

9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.

10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here