Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa xalay ka dhacay Kulan u dhaxeeya dhamaan Xildhibaanada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ee Ka soo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay waxqabaka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Iyo ayaaha Mustaqbalka Maamulkaas.
Madaxweyne Shariif Xasan sheekh aadan ayaa dhegeystay talooyinka Iyo fikradaha ay u gudbiyeen Sanatarada Iyo Xidhibaanada Dowlada Fadaraalka Soomaalia ee kasoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa balan qaadey Inuu Ku dadadaali doono in uu labada sano ee u dambeysa u geli doono Maamulka Koonfur Galbeed dhismaha dekedaha Iyo Airport Gobolka Shabelaha Hoose iyo sidii dib loogu Xureyn lahaa Al-Shabaab Degmooyinka ay gacanta Ku hayaan ee Shabeelaha Hoose iyo qaar Kamid ah deegaanada Bay Iyo Bakool Iyo Dhisida maamulo ka Duwan maamuladii hore Ka jiray Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo sidii Maamul Goboleedku U degi lahaa caasimadiisa baraawe Ee Gobolka Shabelaha Hoose
Ugu damben waxaa lagu balamey in kulamada la joogteeyo Iyo talooyinka Ku aadan aayaha Iyo Mustaqbalka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.






