Xaaf:-“Ma Soo Magacaabi Doono Golle Wasiiro Cusub”,

0

Madaxweyanha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  oo shalay hortagy baarlamanka maamulka galmudug ayaa sheegay  in uusan soo magacaabi doonin wasiiro cusub islamarkaana ay sii shaqeyn doonaan wasiiradiii hore.

Madaxweyne Xaaf ayaa markii xilka loo dhaariyay ku dhowaad saddex bilood kadib weydiistay Baarlamaanka Maamulka Galmudug inay u meel mariyaan Golihii wasiirada C/kariin Xuseen Guuleed iyo Miisaaniyad ay hore u soo diyaariyeen Golahaasi.

Madaxweyne Xaaf wuxuu ku dooday in Wasiirrada iska casilay intii uu madaxweyne Guuleed talada hayay uu soo magacaabayo kaliya islamarkaana kuwa kale ay sidooda u sii shaqeyn doonaan.

Dhanka kale Baarlamaanka Galmudug ayaa ku kala qeybsamay soo jeedinta madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaana socda doodda Xildhibaannada iyo madaxweynaha ee magacaabista Wasiirrada cusub ee Galmudug iyo in kuwii hore loo ansixiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here