Qeybdiid:-“Waa Waajib 2020 in Doorasho Qof iyo Cod ah ay Soomaaliya Ka Dhacdo”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qeybdiid) ayaa sheegay inay Waajib tahay in la dardargaliyo dhameystirka dastuurka qabyo qoraal ah ee dalka si loogu diyaar garoobo Doorashooyin qaran oo qof iyo Cod lagu soo Doorto Hogaanka Dalka.

Xildhibaan Cabdi Qeybdiid ayaa tilmaamay inay Dadajinayaan dhameytirka Dastuurka, ayadoo latashi lala Sameynayo Qeybaha kala Duwan Shacabka Soomaaliyeed si Dastuurku uu u noqdo mid ku salaysan rabitaan dalka iyo Dadka una Adeegaya Danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Cabdi Qeybdiid ayaa Xusay inay Guddiga Dastuurka oo ka Kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay u diyaar garoobeen Fududeynta Sidii Doorasho Qof iyo Cod ah ay Dalka uga dhici la heyd Marka la gaaro Sanadaha 2020-2021 midkii Dowladda Soomaaliya Maamul Gobaleedyada ay u Heshiiyaan ay Doorasho Dhacdo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here