Ciidamada Dowlada Iyo kuwa Malitariga Jabuuti ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay waxa ay ka sameeyeen qaar kamid ah Xaafadaha dagmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan oo ahaa mid ciidamada ay Ku badi goobayeen Ciidamo ka Tirsan Xarakada Alshabaab oo weerar Xoogan ku qaaday Xalay Difaacyada Ciidamada Jabuuti iyo Kuwa Dowlada Somalia ay ku leeyihiin Dagmada buula-barde ee Gobalka hiiraan.
Howlgalkaan oo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee lagu soo qab qabtay walow magaalada hada ay tahay mid dagan maadama howlgalka Ciidama Jabuuti iyo kuwa dowlada Somalia ay halkaa ka Wadeen Lasoo gaba gabeeyay.
Gudoomiyaha Dagmada Buula-barde Cabdiraxmaan Daahir Guure oo Howgalka kadib la Hadlay Radio Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Faah Faahin ka bixiyay Howlgalka kadib cida lagu soo qab qabtay iyo Dagaalkii Xalay Xarakada Al-shabaab ay kusoo qadeen Dagmada buula-barde Iyo Xaaladaa Guud Ee Dagmada sida ay tahay.
Ma jirto cid howlgalka lagu soo qabtay oo loo soo bandhigay Saxaafadda, hayeeshe Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa Jabuuti waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo inta Badan weerara kuso qaada Dagmada iyo Dagmooyinka Kale ee Dalka.

