Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayanle ayaa shaaciyay magacyada Xildhibaanada utartamaya jagada gudoomiye ku -xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kadib markii gudoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax loodoortay inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada.
Cabdirisaaq Siciid ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu saaka qabtay, Magaaladda hargeysa.
Magacyada xildhibaanada u tartamaya jagada gudoomiye ku-xigeenka koowaad sidan:-
- Xildhibaan Axmed Yaasiin Ali Ayaanle
- Xildhibaan Axmed Abdi Kaahin Casood
- Xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale
- Xildhibaan Sulaymaan Cawad Cali Bukhaari
- Xildhibaan Xasan Muuse Hufane
- Xildhibaan Abdilaahi Axmed Yuusuf Madar
- Xildhibaan Maxamuud Cumar Jiir
- Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa
- Xildhibaan Maxamuud Baaruud Shide
- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
- Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

