Ciidamada booliiska Kenya gaar ahaan kuwa qaaska u ah la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa sheegay in ay ku toogteen deegaanka Bamburi ee magaalo xeebeedka Mombasa xuseen saciid cumar oo ah sarkaal sare oo katirsan Xarakada Al shabaab islamarkaana dowlada Kenya ay baadi goobeysay in muddo ah kaa oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii lagu qaaday magaalaada Mpeketoni ee dalka Kenya oo dhacda jaziirada Lamu halkaa oo in kabadan 60 qof lagu dilay bishii june ee sanadkii hore.
Hussein Said Omar oo loo yaqaano Babli ayaa ahaa dagaaalyahan labaaadi goobayay tan iyo sanadii 2015-kii isagoo ku dhuumaaleesanayay deegaanka Bamburi ee gudaha dalka Kenya xili baaritaano ay ku hayeen laamaha amaanka ee dalkaasi.
Waxaa sidoo kale dowlada Kenya ay sheegtay in uu ahaa madaxii logistikada Xarakada Al shabaab ee ka howlgala Keymaha Boni kaa oo sidoo kale lagu sheegay in uu ka dambeeyay dilka muwaadiniin kenyati ah waxaana waalalkiisa ah axmed oo loo yaqaano Dogo oo ilaa imika isna katirsan Xarakaada Aal shabaaab.
Waxaa ay tilmaameen hay’adaha amaanka Dowladda Kenya in tobanaan dhalinyaro ah uu u tababaray Xarakada Al shabaab waxaana doorkiisa uu ahaa fududeeyo iyo tabo bare.

