Aqalka Sare oo Fargalinaya Xiisada Siyaasadeed ee Ka Taagan Hirshabeelle.

0

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya ayaa soo fara gelinaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah Senator-ada Aqalka Sare ayaa soo jeeday in ajandaha lagu soo daro xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, iyadoo Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka sare uu dalbaday in loo yeero Wafdigii Wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u aaday Jowhar.

Cabdi Faarax Juxa oo hogaaminayay wafdigii dhawaan loo direy Magaalada Jowhar  ee caasimadda Maamulkaas ayaa haatan kulan la leh Guddoonka Aqalka Sare iyo xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee Hir-shabeelle.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran, ayaa la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan Aqalka sare oo la sheego in saameynta uu ku leeyahay siyaasada dalka iyo go’aan ka gaaristeeda ay aad u yar tahay, marka laga reebo sharciyo quseeya arrimaha federaalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay  war ka soo saari doono xaalada siyaasadeed ee Maamulka Hirshabeelle, iyadoo shalay Muqdisho uu soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here