Xukun Lagu Riday Ninkii Dilay Wasiir Cabaas Siraaji+Dhageyso

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xukun dil ah saakay  ku ridday Axmed C/laahi Ceydiid oo ahaa gacan ku dhiig lihii ka dambeeyey dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo guryenta ee Dowladda Soomaaliya Marxuum Cabaasi C/llahi Sheekh Siraaji.

Gacan ku dhiiglaha ayaa Racfaan ka qaatay  xukun dil ah oo ay horey ugu ridday maxakamadda darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida, kadib markii ay sheegtay in uu ahaa shaqsigii xabada ku dhuftay wasiirka.

Guddoomiyaha maxakamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Sareeyo guuto  Liibaan Cali yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday gacan ku dhiig lihii ka dambeeyey dilkii wasiir cabaas Siraaji.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here