Ururka OIC oo Cambaareeyay Qarixii Magaalada Muqdisho Ka Dhacay

0

Ururka iskaashiga  islaamka ayaa si weyn u cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Mogadisho meel u dhaw xarun police oo dhacda wadada maka-al-mukarama kaa oo 5 qofood ay ku dhinteen halkaa in ka badan 10 ruux ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga islaamka Dr. Yousef A. Al-Othaimeen, ayaa si aad ah u cambaareeyay qaraxaasi isagoo sheegay in looga hortgayo nabadgalyada iyo xasiloonida Dalka Soomaaliya.

Xoghaya guud ee ururka ayaa u tacsi u diray dowlada federalka soomaaliya iyo ehelada dadkooda weerarkaasi ay kaga  dhinteen  isagoo u rajeeyay in kuwa dhaawacmay si dhaqsi ah u bogsadaan.

Wuxuu sidoo kale xoghayaha uu sheegay in ururka OIC in uu taageerayo dadaalada dowlada soomaaliya ay ku soo celineeso xasiloonida,nabada iyo horumarka dalka soomaaliya si wanaagsan loogu adeego danaha dadka soomaaliyeed.

Qarixii Shalay  ka dhacay magaalada Mogadishu mas’uuliyadiisa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here