Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaasi oo lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.
Weerarkan oo shalay ka dhacay agagaarka deegaanka toora-toorow ayaa lagu bartilmaameedsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Omar Osmaan (Yariisow) ayaa war kooban uu ku qoray bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaliya ay fuliyen weerar qorshaysan islamarkaana uu amarkaas bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
Waxa uu Sheegay in weerarkaas lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo uusan magaciisa shaacinin.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan weerarka dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ee ka dhacay deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

