War saxafadeed uu soo saaray afhayeenka ciidamada difaaca dowlada Uganda Brig. Richard Karemire ayaa waxa uu sheegay in ciidamada howlgalka mdiowga Africa soomaaliya gaar ahaan ciidamada Uganda in weerar culus ay kala kulmeen dagaalyanada Xarakada Al shabaab xili ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Golweyn iyo Baldul-Amiin oo katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose oo 140-KM kaga beegan koofur galbeed magaalada Mogadisho.
Afhayeenka ciidamada dowlada Uganda ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 12 ka tirsan ciidamada dowlada Uganada ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM halka 7 kale ay ku dhaawacmeen,waxaana uu intaa ku daray in baaritaan ay ku hayaan sheegashada qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
“Guddi baara ayaa loo xil saaray sababta keentay dhacdadan si loo ogaado qaabka falkan uu ku dhacay waxaana ka caawin doonaa howlgalkaas inagoo sidoo kale magdhaw siin doono hooyinka askartooda ay dhinteen” sidaas ayuu ku yiri war saxaafadeed uu soo saaray subaxnimadii hore ee saakay afhayeenka ciidmada dowlada Uganda.
Waxaa sidoo kale afhayeenka ciidamada Ugnada Brig. Richard waxa uu sheegay in uu u tacsiyeynayo ciidamadii weerarkaasi lagu dilay kuwaa oo la hardamaya nabadgalyada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Maalinimadii shalay aheyd dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo ay ku qaadeen deegaanka Golweyn ee gobalka shabeelaha Hoose halkaasi oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidanka AMISOM iyo Kuwa dowlada federalka Soomaaliya sidoo kale weerarka ayaa dhacay markii wadada loo galay ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday deegaanka Buulo Mareer.
Afhayeenka howlglada Xarakada Al-shabaab shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 39 Askari oo saraakiil sare sare kamid yihiin, isagoo intaa ku daray in dhammaan wixii hub ahaa ee ciidankaasi watayna in gabi ahaanba ay kala wareegeen.

