Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan kulan kula leh xarunta madaxtooyadda Soomaliya Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Soomaliya.
kulanka waxa ka qeyb galaya Taliyayaasha Ciidamada Xoogga, Malatariga, hay’adda Nabad Sugida Sirdoonka qaranka Soomaliya iyo Booliska.
Madaxweynaha ayaa saraakiishaan kala hadlaya sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen laamaha amniga, islamarkaana loo xaqjiiijin lahaa amniga guud ahaan dalka.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili shalay qarax gaari uu ka dhacay Degmada Waabari, halka Diyaaradaha Mareykan-ka ay gobolka Shabeelaha Hoose ay ka fuliyeen weerar lagu dilay madaxii qaraxyadda iyo Dilalka Al-shabaab.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com
