Laamaha amaanka dowlada Kenya ayaa sheegay in feejignaan dheeri ah ay ka galayaan weeraro dagaalyanada Xarakada Al shabab ay ka geestaan gudaha dalka Kenya inta lagu guda jiro doorashooyinka guud ee dalkaasi ka dhaca bisha august ee sanadkaan 2017-ka.
Laamaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in Xarakada Al shabab ay qorsheenayaan in weeraro ay ku qaadeen dagmooyinka Mandera,Wajir,Garissa,Lamu,Tana River,Kilifi iyo magaalooyinka xeebeedka Mombasa.
Ilo kala duwan oo ka soo baxay Booliiska la dagaalanka argagixisada dowlada Kenya iyo hay’adda sirdoonka qaranka dalkaasi ayaa xaqiijiyay qorshaha xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab iyo laamaha amniyaatka ee ku aadan in ay soo weeraraan 7-magaalo oo kamid ah dowlada Kenya taa oo keeni karta in muwaadiniin kenyaati ah ay ka baaqsadaan codeynta doorashooyinka guud ee dalka Kenya.
Feejignaanta ay soo saareen laamaha amaanka dowlada Kenya ayaa ku soo beegmeysa xili dagaalyanada Xarakada Al-shabaab ay kor u qaadeen weerarda lagu qaadayo gudaha dalka Kenya.

