Xildhibaanda Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta oo sabti ah kalfadhigooda 39-aad waxay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Kulanka maanta ayaa lagu ansixiyay afar degmo oo cusub oo dhowaan la magaacabay.
Degmooyinka la magacaabay ayaa kala ah Shaxda, Xumbeys , Dhudhub iyo Buur-saalax.
39 xildhibaan oo xildhibaanada fadhiga ku sugnaa ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay degmooyinkaan. Waxaa diiday hal xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan.

