Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in dib loo digay in Isku-shaandheyn lagu samey lahaaa Golaha Wasiirada Ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaaliya.
Madaxweynaha Dowladd goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh Shiikh aadan ayaa maanta lagu waday In uu inuu Isku-shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiiradda Koofur Galbeed,waxaana Talaabadaas ka dhashay Khilaaf Sababay in isku-shaandheynta ay dib u dhacdo.
ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in Beelaha qaar ay ka biyo diideen Isku-shaandheynta kadib markii Madaxweyne Shariif Xasan uu yareeyay Tirada Wasiirada oo markii hore ahaa 64 Xubnood,balse hadda ka dhigay 24 Wasiir.
Sidoo kale Beelaha deeganada koonfur galbeed Soomaliya ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in ay waayaan Wasiiradii ay ku lahaayeen Maamul Goboleedka Koofur Galbeed,iyadoo sababtay in dib loo dhigo.

