Qarjab:-“Isku Arakti Halaga Noqdo Cid Walba oo Puntland Ku Wada Qalqalin”,

0

Ku-simaha Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qafjab, oo maanta kusoo laabtay Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulkaas ayaa ugu baaqay  shacabka in ay kala shaqeeyaan midnimada iyo anmniga Puntland,isagoo soo jeediyay in isku aragti laga noqdo cid walba oo Puntland ku wada qalqalin.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in 19-sano ee puntland ay dhisneed ay  gaartay Midnimo iyo ilaaalinta waxa la wada leeyahay, wuxuuna sheegay inaanan cidina laga yeelayn inay danteeda gaarka ah u burburiso danta Puntland.

Amniga deeganada maamulka Puntland ayaa haatan ah mid aad u wanaagsan xili dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen dilal, waxaa sidoo kale Ciidamada Amaanka Puntland ay qabteen qaraxyo la sheegay in wateen al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here