Wararka ka imaanaya Gobolka jubada Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Kenya in ay dib ula wareegeen deegaanka Bulogudud oo dhawaan ay qabsadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Jubba-land ciidamo isugu jira kuwa Jubba-land iyo Kenya ayaa saakay ka baxay Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Juuba-land, waxayna si nabad galyo ah ay kula wareegeen deegaanka Bulogudud duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada Hoose.
Ciidamada huwanta inta aysan gaarin deegaanka ayaa la sheegay in qarax miino oo dhulka lagu aasay in lala beegsaday waxaana la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Ciidamada dowladda, Kenya iyo kuwa Maamulka Jubba-land.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Kenya ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen deegaanka Lagta oo u dhaxeeya deegaanada Kulbiyow iyo Raskamboni, waxaana deeganadaas ku xoogan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
