Iyadoo waqti kooban ay ka harsantahay doorashooyinka guud ee dalka Kenya taa oo madax kala duwan ay ku tartamayaan ayaa hogaamiyayaasha dalkaasi waxa ay sheegeen in ay si weyn kaga cabsi qabaan weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Al shabaab oo bilooyinkii dambe weeraro ka fulinayay gudaha dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa tilmaamatay in ay heegaan dheeraad ah ay galayaan si looga horatago weeraro Xarakada Al-shabaab ay fuliyaan ka hor doorashoo madaxtinimo ee dalkaaasi kuwaa oo la qorsheeyay in ay qabsoomaan 8 bisha August ee 2017 iyagoo tilmaamay in amaanka goobaha codbixinta ay ka dhaceyso amaankooda in si qaaas ah loo ilaalin doono.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dowlada Kenya Mr.Raila Odinga oo horayna u soo noqday Ra’isulwasaaraha dowlada Kenya ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya in uu ku fashilmay in uu wax ka qabto arimaha amaanka isagoo tilmaamay in uu si weyn kaga xumaaday markii ciidmada dalka kenya loo soo diray gudaha dalka soomaaliya.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in dib loo dhigo doorashada dalka Kenya sababo la xiriira in aysan diyaarsaneen waraaqooyinkii cod bixiyayaasha taa oo keeni karta in isku dhacyo rabshada wata oo lamid ah kuwii dhacay sanadii 2017-kii.
Dagaalyanada Xarakada Al shaab ayaa kordhiyay weeraradoood dhulka oo ay ka geesanayeen gobalka waqoyi bari Kenya iyadoo hoos u dhac xoogan ay soo gaart ay dodlwda Kenya.

